Xarunta Xiriirka Kubadda Cagta Jarmanka oo la weeraray!

Xarunta xiriirka kubadda cagta Jarmanka ayaa sida lasoo werinayo weerar lagu qaaday, weerarka ayaana waxaa qaaday booliiska Germany oo ku eedaynaya inay canshuur la baxsadeen 2006.

Dacwad oogayaasha oo war soo saaray ayaa sheegay in baaritaan la bilaabay, warsidaha Bild ayaa sheegay in booliiska Frankfurt ay weerarka qaadeen iyadoo xiriirka lagu haysto dhacdo la xiriirta geeddi-socodkii ay Jarmanku 2006 ku doonayeen inay koobka qaban qaabiyaan.

Warka ayaa sidoo kale sheegaya in iyana la baaray madaxwaynihii hore DFB ee Wolfgang Niersbach iyo ninkii bedeley ee Theo Zwanzinger.

Waxaa lagu eedaynayaa xiriirka inay abuureen qorshe la isku dhaafiyo lacag dhan €6.7m si uu Jarmanku si laalaab ah codad ugu helo, balse xiriirka DFB ayaa dafiray warkaas.

s

Faallo u dhaaf