Fifa oo ganaaxday Sepp Blatter iyo Michel Platini mudo dhan sideed sano.

FIFA ayaa qaadatay go’aan aad u hadal heyn badan kadib markii Sepp Blatter iyo Michel Platini min 8-sano laga mamnuucay inay ka hadlaan ama ku leg yeeshaan arimaha kubada cagta.
Blatter iyo Platini waxaa lagu helay inay lacago £1.35 m lun sadeen sidoo kalena arimo musuq maasuq waadix ah ku leg yeesheen sanadii 2011 sidaa darteed ciqab culus ayaa la dul dhigay.
Blatter iyo Platini waxaa laga mamnuucay xitaa inay isku soo sharixi karaan doorshada xigta ee FIFA taasi oo la qaban doono bisha Febraayo.
Sidoo kale labadan masuul lacago aad u fara badan inay bixiyaan ayaa lagu ganaaxay Blatter waxay FIFA ku ganaaxday £33,700 inuu bixiyo halka Platini isagana lagu ganaaxay £53,940 inuu bixiyo.
Blatter iyo Platini ayaa ku doodeen inaysan wax dambi ah galin sidoo kalena lacagaha ay qaateen aysan ahayn mid musuq maasuq sidoo kalena bixinta lacagahan ay soo bilaabatay sanadii 1998 ilaa 2008 waana xiligii Plattini uu Blatter kala shaqeyn jiray FIFA.
Blatter oo haatan si ku meel gaar u ah madaxweynaha FIFA iyo Platini oo ah madaxweynaha UEFA ama xiriirka kubada cagta waxaa la dul dhigay ganaaxii ugu cuslaa ee madax caalami ah lagu ciqaabo ee arimaha kubada cagta ka shaqeeyaan.